Sawirro: Dhalinyarada Galkacyo oo doortay guddoon cusub

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa shalay waxaa ka dhacay doorashada guddoon cusub oo uu yeesho ururka dhalinyarada degmada Galkacyo.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday maamulka , dhalinyarada degmada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha dhalinyarada Galkacyo waxaa ku tartamay Suldaan Cabdi Jaamac iyo Shariif Maxamuud Sahal, waxaana ku guuleystay gudoomiyanimada Suldaan oo helay 12 cod, halka sharifna uu helay 6 cod.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka dhalinyarada Galkacyo waxaa ku guuleystay Saabir Qoobeey, doorashada ayaa ku soo idlaatay jawi dagan.

IMG-20170303-WA0020IMG-20170303-WA0021 IMG-20170303-WA0022 IMG-20170303-WA0024 IMG-20170303-WA0025 IMG-20170303-WA0019