Gudoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Bariire oo gacanta lagu dhigay

Wararka Maanta

Sida lagu daabacay Warbaahinta Dowladda Howlgal aad loo qorsheeyay ayaa  Ciidamada amniga Soomaaliya ay fuliyeen 19kii Bishan ayay ku soo qabteen madaxii Maxkamadda Al-Shabaab ee Bariire.

Hawlgalkaan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale la sheegay in Sarkaalka la qabtay uu Bariire ka fulin jiray Xukumada dilalka ah oo ay fuliyaan Ururka Al-Shabaab.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo laamaha kale ee Hay’adaha amniga weli masoo bandhigin Sawirka mana shaacin Magaca Shaqsiga howlgalka lagu soo qabtay.

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee ah qabashada Madaxii Maxkamadda Al-Shabaab ee Bariire Gobolka Shabeellaha Hoose