Yuusuf Garaad oo Shaqaalihiisa ku amaray inaysan la hadlin Warbaahinta

Wararka Maanta

Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray in aysan warbaahinta la hadli karin ogolaansho la’aan, kaddib warqad ka soo baxday Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Danjire Cali Maxamed Cali.

Warqada oo soo baxday dhamaadkii bishii July ayaa waxaa lagu wargeliyay Safiirada, Ergooyinka, Qunsulada in aanay la hadli karin warbaahinta kala duwan illaa ogolaansho rasmi oo sugan ka heystaan Xarunta Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa la faray dhamaan Diblomaasiyiinta ay darajadooda ka hooseyso Danjire, Ergey joogto ama Qunsul waxaa ka mamnuuc ah la hadlida nooc kasta oo Warbaahin.

 

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Dibadda

amar-arrimaha-dibada