Kooxo hubaysan oo Baledweyne ku dilay nin ganacsade ahaa

Wararka Maanta

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya kooxo hubaysan inay Magaaladaasi ku dileen nin ganacsade ahaa.
Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bocor Axmed, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen dabley hubaysan.
Suuqa Xoolaha ee Galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa lagu dilay ninkaan ganacsadaha ah, waxaana meesha ka baxsaday dableydii dilka geysatay.
Dilka ninkaan ganacsadaha ah ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo arimo ku aadan aano qabiil, iyadoo maalin ka hor Magaalada Baledweyne dil noocaan oo kale ah uu ka dhacay.
Magaalada baledweyne ayaa waxaa ka dhaca dilalka qorsheysan oo qaarkood masuuliyadooda ay sheegtaan Al Shabaab, halka qaar kalena ay geystaan maleeshiyaad hubaysan oo aano qabiil dadka u dila.