Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne Ku xigeenka dowlad goboleedka GALMUDUG Maxamed Xashi Cabdi ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyda Ferdraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .

IMG-20170304-WA0152

Kullankan oo ka dhacay aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ujeedka kulan lagu sheegay inuu ahaa Sidii loo dardar galin lahaa Doorshada Madaxweyneha GALMUDUG Iyo sidoo kale Sidii Dowlada Dhexe ay qeyb uga Qadan lahayad Abaraha kajira  Deeganada GALMUDUG.

Maxamed Xaashi ayaa mudooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo u tagay ka qeybgalka caleema saarka Madaxweyne Farmaajo.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maraysa kala guur kadib markii todobaadkii hore uu xilka Madaxweynaha Galmudug baneeyey C/kariin Xuseen Guuleed, oo sababa caafimaad dartood isku casilay.

Magaalada Cadaado oo ah xarunta kumeelgaarka ah Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan ka bilaabato doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaana dastuurka Galmudug qorayaa in muddo 30 maalmood gudahood barlamaanku ku doortaan Madaxweyne cusub.