Sawirro: Tartan aqooneedka Dugsiga Hoose/Dhexe Cumar Alfaaruuq oo la soo gabangabeeyey

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cumar Alfaaruuq ee magaalada Cadaado ayaa lagu soo gabangabeeyey tartan aqooneedka sanad dugsiyeedkan 2016/2017, waxaana ugu dambeyn ku tartamay Fasalada Sideedaad Iyo Lixaad Waxaana Guuleystay Sideedaad, waxaana Tartankan  Socday Mudo Ka Badan Todobo Bilood.

Munaasabadda gabangabeynta tartankan ayaa waxaa Furay Madaxa Waxbarashada Degmada Cadaado Mudane Xasan Calas Qaareey, Waxaa Intii  ay Socotay Lagu Soo Bandhigay suugaan  Looga Hadlayo Waxqabadaka Hay’adda Waxbarashada Iftiin oo maamusha dugsigaan.

C/qaadir Sayid Axmed oo ka socday HAYAT FOUNDATION oo dhanka caafimaadka ka shaqeysa iyo Maama Siraad ayaa khudbado qiime leh goobta ka jeediyey, waxayna bogaadiyeen dadaalka ay Iftiin ku bixisay ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan deegaanada Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa soo xiray Cismaan Macalin Xassan Geelle oo ka  mid ah Madaxda Hay’adda Iftiin, waxaana  fasalada kaalmaha fiican galay la gudoon siiyey hadiyado.

Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cumar Alfaaruuq ayaa la furay 2009, waana Dugsigii ugu horeeyey ee ay furto IFTIIN, waxaana Hay’adan hadda gacanta ku haysaa ilaa 10 iskool oo ay bixiso dhaqaalaha ku baxa.

IMG_1715 DSC04509 DSC04552 DSC04573 DSC04583 DSC04597IMG_1714 DSC04505 DSC04559 DSC04502DSC04625 DSC04613DSC04635 DSC04633