Ilhaan Cumar oo si adag ugu jawaabtay Madaxwayne Trump

Wararka Maanta

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa qoraal ay kusoo qortay Twitterkeda si adag ugu jawaabtay madaxweyne Donald Trump oo ka dalbaday inay is casisho.

Qoraal si kooban ay ugu qortay boggeeda Twitterkeda ayey ku sheegtay Xildhibaan Ilhaan Cumar in haddiiba qof ay tahay in uu isu casilo hadal naceyb ah oo uu sheegay uu qofkaasi yahay Donald Trump.

Ilhaan Cumar ayaa qoraalkeeda raacisay in madaxweyne Donald Trump noloshiisa ay ku sifeysan tahay nacayb sida marar badan la arkay.

Hadalka Ilhaan Cumar  ayaa jawaab u ah hadal uu Donald Trump isagoo saran diyaarada “Air Force One” Talaadadii ku sheegay in qoraalka Ilhaan Cumar uu ka tarjumayo naceybka ay u qabto Yuhuudda, taasoo lidi ku ah mabaadi’da Mareykanka iyo taageeradiisa Israel.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha wakiillada Aqalka Hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne Trump ka difaacday Ilhaan Cumar.

Ilhan Cumar ayaa ku qortay Twitterkeda hadal muran badan dhaliyay, kaasoo ay ku sheegtay in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed.

Ilhan Omar oo xisbi ahaan katirsan Dimuqraadiga, ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress­ka Mareykanka xubin ka noqda.