Haweeney ka tirsaneyd Booliska oo Xalay lagu Dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Gabar Askariyad aheyd ayaa xalay lagu dilay xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ee magaalada Muqdisho.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa dilay gabadha askariyada oo lagu magacaabi jiray Ridwaan salaad oo ka tirsaneyd Ciidamada Booliska

Wararka ayaa sheegaya in kooxdii dilka geystay ay baxsadeen, ka hor inta aysan goobta dilka ka dhacay gaarin ciidamada ammaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay ahaayeen rag dhalinyaro oo gaarayay illaa saddex ruux.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay dilalka qorsheysan ee ka dhacayay xaafadaha Muqdisho.