Meydadka 2 qof oo dalxiisayaal ah oo kusoo caariyay xeebta magaalada Gandershe

Wararka Maanta

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Meydadka Labo Qof oo Dalxiisayaal ah, ahna Reer Galbeed ayaa laga helay xeebta degaanka Gandershe oo dhanka Bari uga beegan magaalada Marka.

Meydadkan oo jirkooda laga dareemayay dhaawacyo soo gaaray intii ay badda dhax sabeynayeen ayaa ku soo caariyay degaanka Gandershe oo dhanka Bari uga began magaalada Marka, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegeen in Meydadka Nin iyo Naag caddaan ah laga helay xeebta, Meydadka caddaanka ah ee la helay ayay baddu soo tuftay waxayna umuuqdeen in ay ahaayeen Dalxiisayaal reer galbeed ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydka Haweenayda caddaanka ah ee la helay qoorta iyo gacmaha uu uga xirnaa dahab farabadan sida Katiinado, dhowr faraanti iyo koorayaal dhammaantood dahab ah.

ugu dambeyntii Dadka Degaanka ayaa Meydadkan waxa ay ku aaseen meel aan sidaa uga fogeyn xeebta Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilaa iyo hada wali lama xaqiijin dhalashada waedanka ay rasmi ahaan kasoo jeedaan lamadaan qof ee maydkoodu kusoo caariyay xeebta gandarshe ee gobolka shabeelaha hoose