Sacuudiga Oo Xabsiga u taxaabay 11 Amiir

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa xabsiga dhigtey 11 amiir kadib markii ay diideen inay bixiyaan qarashaadka korontada iyo biyaha ay isticmaalaan.

Hase yeeshee Amiiradan ayaa la sheegay in ay dalbadeen in magdhaw laga siiyo wiil ay ilma adeer yihiin oo la dilay laba sano ka hor.

Markii ay diideen inay qasriga madaxtooyada ka baxaanna waa la xiray oo hadda waxay sugayeen maxkamad.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa sheegay in qof walba ay tahay in lala xisaabtamo iyadoon la eegayn xilka uu hayo. In lagu xiray xabsi si weyn loo ilaalinayo ayaa waxay wax badan ka duwan tahay habka loola dhaqmay ku dhawaad laba boqol oo amiir.

Saraakiil sarsare oo Dowladda ka tirsan iyo ganacsato ayaa bishii Novembar ee la soo dhaafay lagu xiray hotel lagu raaxaysto Arrintaas oo qeyb ka ah waxa loo soo bandhigay inay tahay olole ka dhan ah musuqmaasuqa