Wasiirka gaadiidka oo Golaha Shacabka looga yeeray

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u yeeray in muddo 10 cisho gudahood hor-yimaado Baarlamaanka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar).

Wasiirka ayaa la faray inuu Baarlamaanka hor-yimaado 1-da bisha December, si uga jawaabo su’aalo ku qoran soo jeedinta illaa 10 Xildhibaan oo dalbaday in loo yeero, si wax looga weydiiyo howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo xayiraadii diyaaradaha aada Kismaayo.

Bishii hore ee October ayaa illaa 10 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ay saxiixeen mooshin soo jeedin ah oo ku saabsan in loo yeero Wasiirka Gaadiidka Duulista Hawada, waxaana Xildhibaanada qoray soo jeedinta ay ku lifaaqaan su’aalo dhowr ah oo la xiriira xayiraadii diyaaradaha Kismaayo iyo cida bixisay amarki lagu hakiyay diyaaraddii qaadi laheyd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

Halkan hoose ka akhriso Qoraalka u yeeritaanka iyo Soo jeedinta 10-ka Xildhibaan.