Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyad ka agdhaw tan dowlada federaalka

Wararka Maanta

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goordhaweyd cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka oo dhan 346 milyan oo doollar.

44-mudane oo fadhiga maanta joogay ayaa dhammaantood u codeeyey miisaaniyaddan oo Todobaad hore la horkeenay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ay la ansixiyay, islamarkaana loo baahan yahay in loo gudbo hanaanka Maareynta Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda maanta ay ansixiyeen xildhibaanada maamulka Puntland ayaa ah midkii ugu badneyd abid tan iyo markii la aas aasay maamulka Puntland.