Xisbiga Wadajir oo qaadacay ka qayb galka kulan madaxwayne Farmaajo la qaadan lahaa xisbiyada Qaran

Wararka Maanta

Xisbiga Wadajir oo ahaa xisbiga kaliya ee si weyn u mucaaradayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo labadii sano ee u dambeeyay ayaa qaadacay kulanka ay yeelanayaan maanta oo Sabti ah Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadda ee heysta shahaadada KMG ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka.

Qoraal uu soo saaray Xisbiga Wadajir oo lagu Facebookga hogaamiyaha Xisbigaas ayaa lagu sheegay in Xisbiga uu qaadacay waxa uu uga yeeray Kulamada maaweelada ah ee ay Madaxtooyada la yeelaneyso Xisbiyada diiwana gishan.

“Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xisbiga.

Sidoo kale Xisbiga Wadajir ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka kulankaas, waxaana uu dalbaday in dowladdu cudur daar iyo magdhaw ka bixiso dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geysatay, gaar ahaan dhacdadii lagu weeraray Xarunta Xisbiga 17 December 2017 oo aanay dowladdu illaa hada cudur daar ka bixin.

“Waa in cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dowladdu dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geystay haddii uu Madaxweynuhu cadeeyo mowqifkaas ayuu Xisbigu diyaar u yahay in la xaajoodo dowlada”ayaa lagu yiri qoraalka.

Farriimo Madaxtooyada u dirtay Xisbiyada siyaasadda ee diiwaan gishan ayaa loogu yeeray inay ka soo qeyb galaan kulan uu Madaxweyne Farmaajo la qaadanayo Xisbiyada siyaasadda, isla markaana dhici doona 9-ka subaxnimo maanta oo Sabti ah.