Wasiirka Cusub ee Arimaha Dibadda oo Muqdisho soo gaaray

Wararka Maanta

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in maanta lagu dhaariyo Wasiirka iyo sidoo kale labo Wasiir oo kale.

Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda.
Saddexda wasiirka ee dhowaan la magacaabay ayaa lagu wadaa in la dhaariyo berri oo ah Isniin 8da bisha Janaayo 2018.