Madaxwayne Farmaajo oo Garowe ku Wajahan Maanta

Wararka Maanta

Madaxweynaha JFS Maxamed C/lahi Farmaajo iyo Wafdi uu hugaaminayo ayaa lagu wadaa inay Maanta Gaaraan Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaana Wafdiga Madaxweynaha ka mida Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkiisa. Socdaalka Farmaajo ee Puntland oo Dhowrkii Maalin ee u danbaysay baaqday dhowr mar ayaa ayaa noqonaya Safarkii ugu horeyay ee uu ku tago Degaanada Maamulkaas Mudo kusimam 11 Bilood ee uu Xilka haayo Waxaana Maalmahaan Garowe ka socday Qabanqaabo heerkeedu Sarreeyo oo lagu soo dhawayn doono Hugaamiyaha Somalia.

Madaxwayne Gaas Xildhibaano.qaar ka tirsan Wasiiradiisa Xubno kasocda Dowladda Dhexe oo hor dhac usii ahaa Wafdiga Madaxweynaha iyo qaybaha kala duwan ee Shacabka Puntland ayaa lagu Wadaa inay ka qayb qaataan soo dhawaynta Farmaajo kuwaas oo ku sugaya Garoonka Diyaaradaha.

Markii uu Gaaro magalada Garowe Caasimada PL waxa Uu Xaraga Ka jaridoona Garoonka Diyarada ee Garowe.waxa uu ka Qayb gali doonaa Sanad Guuradii 4aad Madaxweyne Gaas sidoo kale waxaa Uu lakulmi doonaa Madaxda Sare Ee Puntland intaasi kadib waxa Uu usoo Ambabixi doonaa Xaruunta dhaqanka Puntland ee Qardho waxa uune la kulmi Doonaa Boqor Burhaan Boqor Muuse intaasi Kadib Bosaso ayuu usii Socondoonaa waxa uune Bosaso kula kulmi doonaa Madaxda Dhaqanka Waxa uune kala hadli Doonaa arimaha Dekeda oo maalmihii lasoo dhaafay Muran uu ka Jiray

 

Ceelhuur.com kala wixii kusoo kordha Safarka Madaxwaynaha Insha Allah