Valencia Oo Dooneysa Theo Walcott

Ciyaaraha

Valencia ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo weeraryahanka Arsenal Theo Walcott.

Walcott ayaan u ciyaarin hal kulan Premier League Arsenal tan iyo bilowgii bishii October, seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadaan EFL Cup iyo Europa League.

28 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Emirates Stadium waxa uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka 2018-19, waxaana mustaqbalkiisa uu yahay mid aan wali cadeyn.

Everton, West Ham United iyo Southampton ayaa dhamaantood lala xiriirinayay inay xiiseynayaan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciyaaryahanka reer England uu dib u dhac ku yimid wadahadalada qandaraaska ee Emirates Stadium.

Sida laga soo xigtay El Gol Digital, Valencia ayaa si dhow isha ugu heysa horumarka Walcott, iyadoo kooxda horyaalka La Liga ay dooneyso inay u dhaqaaqdo marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Walcott ayaa dhaliyay 108 gool 392 kulan oo uu u saftay Arsenal tan iyo 2006dii oo uu kaga soo biiray Southampton.