Sanchez Oo Dhaawac Ku Seegi Doono bilowga Xilli Ciyaareedka

Ciyaaraha

renatosanches-cropped_1rapgy7g4uce013anyh7pbxa9w

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Renato Sanches ayaa garoomada ka maqnaado muddo afar isbuuc ah ka hor xilli ciyaareedka cusub ee Bundesliga.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku biiray kooxda heysata horyaalka Jarmalka xili uu kasoo tagay naadiga Benfica ka hor Euro 2016.

Waxa uu si xoogan u ciyaaray koobkii Portugal ku guulaysatay ee France ka dhacay markii ugu horeysay isagoo la qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu maqnaan doona bilowga xilli ciyaareedka soo socda, kadib  dhaawac kasoo gaaray bowdada finalkii Euro 2016

Bayern ayaa xaqiijiyay axadii in 18-sano jirkaan uu ka maqan yahay tababarka maadaama uu soo kabsanaayo.