Atletico Madrid ayaa ku dhawaaqday in goolhaye Jan Oblak uu mari doona qaliin looga sameynaayo garabka.
Oblak ayaa dhaawacmay intii lagu jiray qeybtii hore ee kulankii Atletico ay 3-0 kaga soo badisay Villarreal isagoo haatan la filaayo inuu ka maqanaado garoomada ilaa April.
Oblak ayaa noqday goolhayaha dooqa koowaad ee garoonka Vicente Calderon, iyadoo 23-sano jirkaan uu kasoo muuqday 95 kulan tan iyo markii uu u saxiixay kooxda sanadii 2014.
Miguel Angel Moya ayaa hadda iman doonaa kooxda in uu ka maqan Oblak.
W/D Hafsa Haji