Swansea City Oo Ku Dhaw Inay Renato Sanches Bisha Janaayo Iska Dirto

Ciyaaraha

Swansea City iyo Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal ku jiraan oo ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe Renato Sanches.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa haatan qandaraas amaah ah kula jooga kooxda ka dhisan Liberty Stadium, lakiin waxa uu ku fashilmay inuu saameyn ku yeesho Premier League.

Inkastoo 20 jirkaan uu ciyaaray 512 daqiiqo kubadda cagta , waxa uu hal kulan bedel ku soo galay tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Chelsea dhamaadkii bishii November.

Sida laga soo xigtay MaisFutebol, labada kooxood ayaa ka fiirsanaya suurtogalnimada Sanches oo ku soo laaban doona Allianz Arena bisha Janaayo, iyadoo mustaqbalkiisa dhow ee kubada cagta England ay u muuqdaan kuwo aan fiicneyn.

Haddii Sanches uu ku laabto Bayern, ma uusan awoodin inuu ku biiro koox kale xilli ciyaareedkan, isagoo durbadiiba matalay labo kooxood tan iyo bishii August.