Maxay Aheyd Sababtii Uu Ugu Soo Laabtay Zlatan Ibrahimovic Kooxda Manchester United

Ciyaaraha

Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday in ujeedadiisa ugu weyn ee uu ugu soo laabtay Manchester United inay aheyd inuu ku guulaysto horyaalka Premier League.

Bishii April, Ibrahimovic ayaa dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii Europa League kulankii ay la ciyaarayeen Anderlecht, iyadoo heshiiska uu kula jiro uu ahaa mid dhacayay dhamaadkii xili ciyaareedkii hore waxa uu u muuqday in maalmahiisa United ay dhammaatay.

Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaa heshiis la gaaray Ibrahimovic, kaasoo dhaliyay 28 gool 46 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore – ayaa soo jeediyay inuu isku dayi doono inuu ku guuleysto Premier League xilli ciyaareedkan waa guusha kaliya ee uu maanka ku hayo.

36 jirkaan ayaa u sheegay Sky Sports News: “Waxaan dhahay waxaan ku soo laabtay inaan dhameysto wixii aan bilaabay.

“Wax walba oo aan dhisay xilli ciyaareedkii hore – sida iska cad waxaan ku guuleysanay seddexda koobab – dhammaadkii aniga ahaan ma ahan dhamaadkii aan doonayay, ama cidna ma dooneynin, gaar ahaan ka dib markii xilli ciyaareedkii tagay.

“Bartilmaameedka waa Premier League, waa hadafka aan doonayo inaan dhameysto, wax walba oo aan  bilaabay xilli ciyaareedka koowaad, waxaan ku dhameyn doonaa kan labaad.”

Tababaraha Jose Mourinho ayaa saadaaliyay in Ibrahimovic uu ku soo laaban doono garoomada ka hor dhamaadka 2017ka.