Home > Wararka Maanta > Shiikh Shariif “Ma aqbalayno in xoogaga wadaniyiinta tartan doorasho lagu galo”

Shiikh Shariif “Ma aqbalayno in xoogaga wadaniyiinta tartan doorasho lagu galo”

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta loo doortay inuu hoggaamiyo Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda oo la magac baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay ujeedka Madashan, isagoo ka mahadceliyay kalsoonida loogu doortay inuu hoggamaiyo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda aysan weli caddeyn jidkii doorasho lagu geli lahaa, isla markaana aanay aqbalin wax mugdi ku jiro in la sameeyo.

Waxaa uu sheegay in aanay aqbali karin in la uruuriyo Koox la magac baxday Xooggaga Waddaniyiinta in doorasho lagu galo, isla markaana aanay raalli ka noqon karin wax aan heshiis lagu aheyn in la sameeyo sida uu yiri.

“Ma aqbali-karno inta koox xoogga waddaniyiinta ah la aruuriyaa la yiraahdo doorashaan galaynaa anaguna aan camirno,dowladdu inadhaheeda ha furto,Shalay MD-Xasan Sheekh School Polizio in doorasho lagu qabto anagaa ka diidnay maxaa yeelay taliyaha booliska ayaa taageersanaa wuuna naga yeelay,dowladdu ma qaban wixii doorasho laga rabay”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isbaheysigan cusub oo ay ku mideysan yihii Madasha Xisbiyada ayaa waxay cadaadis weyn ku saari doonta dowladda Federaalka, sidii ay dalka uga hirgelin laheyd doorashooyin, isla markaana waxaa uu soo afjari doonaa hamigii hogaanka talada dalka haya  ka lahaayeen muddo kororsi ay samaystaan.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!