Ciidanka NISA oo qabtay Warshada lacagta Faalsada ah lagu sameeyo

Wararka Maanta

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa Caawa Magaalada Muqdisho Ku Qabtay Warshad Lagu Farsameeyo Lacagta Doolarka Faalsada ah iyo Kooxdii ka shaqeeneysay.

Howlgal ay Caawa Ciidamada NISA ka sameeyeen degmada Waaberi ee magaalada muqdisho waxa ay ku qabteen Koox burcad ah oo Guri ku yaalla degmadaasi ku dhaqayay Lacag Doolar been abuur ah.

Hay’adda NISA ayaa Sheegtay ay la wareegtay Warshaddii iyo Qalabkii lagu dhaqayay Lacagahaasi Been Abuurka ah, iyadoo Xabsiga loo taxaabay illaa lix ruux oo ku eedeeysan faldambiyeedkaasi.

Taliska NISA wuxuu sheegay in howlgalka ay Ciidamadu Fuliyeen uu ku dhintay Askari katirsan Ciidamada midkalana uu kaga dhaawacmay kadib markii Kooxda Burcadda ah ay isku dayeen in ay iska Caabiyaan Ciidamada.