Gudoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Abshir Bukhaari ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug. Senatorka iyo masuuliyiinta la socotay ayaa waxaa garoonka diyaaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo degmada Cadaado.
Senator Abshir ayaa Cadaado u yimid sidii uu xarig jari lahaa Makatabadda Magaalada Cadaado ( Adado Public Library) , Maktabadan ayaa Waxaa maalgaliyey Senator Abshir Bukhaari.
Waana markii ugu horeysay maktabada nuucaan ah laga hirgaliyo magaalada Cadaado, Sidoo kale Senatorka ayaa 2016 ka hirgaliyey Cadaado Dugsi ay wax ku bartaan caruurta ku nool xerooyinka Barakaca.
Senator Abshir ayaa la filayaa inuu maalmaha uu jooga kulamo la qaato qeybaha bulshada, Waana Senator laga soo doorto Cadaado, sidoo kale Bukhaari ayaa ahaa senatorkii ugu horeeyey ee la doorto Soomaaliya.