Amniga Gobolka Hiiraan oo laga shiray

Wararka Maanta

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle  ayaa amray masuuliyiinta Gobolka Hiiraan in ay amniga Gobolka sugaan ka dib kulan uu kula qaatay Magaalada Jowhar caasimadda Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale masuuliyiintii uu Jowhar uu kula kulmay ku amray in la joogteeyo howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.

Xasan Ibraahim Cabdulle oo ah Gudoomiye ku xigeenka siyaasadda ee gobolka Hiiraan kana mid ahaa xubnihii uu Madaxweyne Waare la kulmay ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ee gobolka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo looga hadlaayo Xaaladda Ammaan ee Hirshabeelle ka waday Magaalada Jowhar.