Al-Shabaab oo Weerar ka gaystay Afgooye

Wararka Maanta

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay waxa ay mar kale weerareen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii xalay halkaasi uu dagaal ka dhacay.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay buundada yar ee Degmada Afgooye, halkaasi oo Saldhig ciidan ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Saraakiisha ciidamada waxa ay sheegeen dagaalkaasi inay ku dhinteen laba ruux oo ka mid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, waxaana la soo sheegayaa inay jiraan khasaare dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Waa habeenkii labaad oo dagaal uu ka dhaco Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, habeen hore sidan oo kale ayeey Shabaab u weerareen Degmada Afgooye.