SahleWork oo loo doortay Madaxweynaha Itoobiya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Baarlamanka Dalka Itoobiya ayaa goordhow u doortay Madaxweyne Haweeneey lagu Magacaabo, SahleWork Zewde ,markii uu is-casilay hoggaamiyihii hore ,Mulatu Teshome.

Ms,Sahle-Work, ayaa ah khabiir in badan kasoo shaqaysay Qaramada Midoobay, lehna aqoon maamul iyo waaya argnimo wanaagsan.

Hadal kooban oo ay ka hor-jeedisay Baalmanka ayay kaga hadashay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda Dalka, sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka Dalkaasi Itoobiya ee FANA.

Doorashada Haweeneydan ayaa imanaysa Todobaad ka dib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi, Abiy Axmed Cali , Magacaabay Golahiisa wasiirrada, kuwaas oo kala bar ahaa Haween.

Isha: Sonna