Sawirro: Caleemasaarka Madaxweynaha cusub Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa goor dhow soo idlaatay, waxaana ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Puntland Cabdi Wali Gaas, Hogaamiyaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Hogaamiye xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi Juxa, Wasiirka arimaha Dibada DFS Yuusuf Garaad, Wasiirka Dastuurka DFS Cabdi Xoosh, Xildhibaano, Madaxda Galmudug, safiirada beesha caalamka, iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinka goobta ka hadashay ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub Galmudug, waxaana Madaxweyne Axmed Modoobe ka dhawaajiyey in Madaxda Qaranku ay badiyaan booqashada gobolada, isagoo intaa ku daray in Madaxweyne Xaaf uu maalgaliyo Cadaado, oo uu ku kordhiyo dhaqaale iyo dhisme intabada, isagoo tusaale u soo qaatay Magaalada Kismaayo oo Jubbaland si kumeelgar ah ugu shaqeyso, wuxuuna sheegay in ay kismaayo galiyeen wixii ay hayeen, maadaama caasimadda Bu’aale shabaab haystaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxweyne xaaf inuu xoogga saaro dib u heshiisiinta gudaha, arinta Galkacyana nabad lagu dhameeyo, sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa bulshada Galmudug uga cudurdaaray in Madaxaweynaha Hirshabeelle uusan xaflada kasoo qeybgalin sababo safar shaqo awgeed, balse uu jeclaan lahaa inuu kasoo qeybgalo, wuxuuna tilmaamay in ay Galmudug abaal badan uga hayaan sidii ay hormuudka uga ahaayeen dhismaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Galmudug ayaa isna goobta ka sheegay in uu waxbadan ka qaban doono dib u heshiisiinta iyo horumarinta Galmudug, wuxuuna si gaar ah uga codsaday dowladda dhexe in ay gacan ka geystaan soo deynta 118 dhalinyaro Soomaaliyeed oo si xaqdaro ah ugu xiran Dalka Hindiya, Xaaf ayaa balan qaaday inuu bixinayo diyaaradii soo qaadi laheyd dhalinyaradaas hadii ay dowladu ku guuleysato soo deyntooda.

Madaxweynaha Qaran Maxamed Farmaajo ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Cadaado, isagoo balan qaaday in dowladiisu si xooggan uga qeyb qaadan doonto dib u heshiisinta Ahlu sunno iyo Galmudug, iyo dhameynta colaadda Galkacyo.

Sidoo kale Safiirada Beesha caalamka oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweyey Madaxweynaha cusub Galmudug, waxay sheegeen in ay la garab joogaan hiil iyo hoo. Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi nabadeed, waxaana Madaxweynaha Qaranka iyo wafdiga beesha caalamku goordhow ka duuleen Cadaado. Caawa ayaa waxaa jira xaflad damaashaadka caleemasaarka .

xaaf xaaf1 xaaf3 xaaf4 xaaf5 xaaf6 xaaf7 xaaf8 xaaf9 xaaf10 xaaf11 xaaf12