Faahfaahin: Ciidamada Danab iyo Nabad suggida oo howlgal qorsheysan ka fuliyey duleedka Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

xog muhiim ah

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Nabad suggidda Galmudug ayaa xalay Howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaan lagu magacaabo xaar xaar  duleedka Koofureed Magaalada Galkacyo .

Ilo xog-ogaal ah ayaa ceelhuur.net u xaqiijiyey in Weerarkan  dhacay Xalay saqdii dhexe, waxaana ciidanku beegsanayeen gaari Toyota Landcruiser ah oo uu lahaa Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Nuur Gaab, Balse ciidankii ay ku guuldareysteen in ay qabtaan ninkii ay doonayeen, waxa ayna soo qabteen  gaarigii iyo  laba nin oo dhalinyaro ah. gaariga la qabtay ayaa waxaa iska lahaa ninka la doonayey in la soo qabto.

Nuur Gaab ayaa todobaadkii hore sidan oo kale ciidanku ku fashilmeen in ay qabtaan, kadib markii ay xili saqdhexe ah ciidanka Danab iyo kuwa PIS puntland u dhaceen guri ku yaala Magaalada Galkacyo qeybta Galmudug, gurigaas oo ay ku tuhmayeen in uu ku sugnaa ninka ay doonayeen, waxa ayna ciidanku guri ku qabteen nin oday ah, iyagoo kadibna iska soo daayey maalintii xigtay.

Waa markii ugu horeysay oo ciidanka Danab iyo Kuwa Nabad sugida Galmudug ay wada fuliyaan howlgal qorsheysan, kadib markii Galmudug ka soo horjeesatay in ciidanka PIS puntland ay howgal ka fuliyaan deegaanada Galmudug.

Comments are closed.