Mid ka mid ah ciidamada booliska Hirshabelle ayaa ku diley gudaha suuqa Hantiwadaag ee magaalada Jowhar wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kalluumeysatada magaalada Jowhar.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askariga dilka geystey uu lacag baad ah waydiistay xilli uu wiilka la diley keenay suuqa mallaay ama kalluun uu ka soo jilaabtay wabiga Shabelle.
Askariga dilka geystey ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana baadigoob ugu jira ciidamada booliska magaalada Jowhar.
Dad ka careysan dilka wiilkan oo lagu sheegay Yaasiin Muxumad Maxaad oo 33 jir ah ayaa waxaa ay banaanbaxyo ka dhigeen wadooyinka magaalada Jowhar iyagoo hakad muddo kooban ah ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada Jowhar.
Wiilka dhalinyarada ah ee lagu dilay maanta magaalada Jowhar ayaa la sheegay in sanadkii aynu ka soo gudubnay wiil ay walaalo ahaayeen oo la oran jirey Cabdicasiis Muxumad Maxaad uu ku diley mid ka mid ah ciidamada milatariga xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.
Wiilka la diley oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin ayaa noqonaya qofkii labaad oo hal qoys ka soo jeeda oo ay ciidamada dowladu ku dilaan magaalada Jowhar muddo labo sano gudahood ah.