Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta Madaxtooyada Cadaado kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, Waxaa sidoo kale kulan ku wehlinayey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, iyo siyaasiyiin kale.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Xalinta tabashooyinka bulshada, diyaargarowga doorashada, Wada hadalada Ahlu sunna iyo Galmudug, iyo dhismaha degmooyinka.
Kullanka Odawaa iyo Xaashi ayaa ku soo gaban gaboobay is afgarad, waxa uuna ku soo aadayaa iyadoo Wasiir Odawaa oo maalintii saddexaad ku suggan yahay magaalada Cadaado, isagoo kulamo is daba joog ah la lahaa Waxgaradka Cadaado, oo tabashooyin ka qabay maamulka Galmudug, waxaan kullankii xalay oo ahaa mid adkaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad.
Comments are closed.