Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada cusub Baarlamaanka Kenya, ka dib markii ay ku baaqeen in la kordhiyo mushaaraadkooda.
Xildhibaanada oo qaarkood soo jeediyay kordhinta mushaaraadkooda, ayaa qiil ka dhigtay in mushaaraadka loogu talagalay aanay ahayn wax ku filan.
Hase ahaatee Madaxweynaha Kenya, ayaa cambaareeyay dalabka ay Xildhibaanada ku dalbanayan in la kordhiyo mushaaraadka loogu talagalay, isagoona wacad ku maray inaanu saxiixi doonin, hindise kasta oo mushaaraadka lagu kordhin karo.
Madaxweynaha oo Khamiistii ka soo muuqday Warbaahinta Kenya, ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay soo jeedinta Xildhibaanada, xilli aan weli Xildhibaanimadooda loo dhaarin.
Waa arrin laga xishoodo in Xildhibaanada Baarlamaanka ay muujiyan sida ay u yihiin kuwo isla weyn, ka hor inta aan xitaa xafiiska loo dhaarin. Waa inaanu fahamnaa in naloo diray inaan dadka u shaqayno, balse aan loo baahnayn inaan ka faa’iideysano.” Ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Kenyatta, ayaa cadeeyay ka madaxweyne ahaan inuu taageersan yahay soo jeedintii Guddiga SRC, oo ahaa in la yareeyo mushaaraadka ay qaataan masuuliyiinta dowladda.
“Waxaan rabaa inaan si cad oo daah saarnayn u sheego, waxaan si buuxdo u taageersanahay soo jeedinta Guddiga SRC, ee ku aadan mushaar yaraynta, kaa oo yaraynaya mushaaraadka masuuliyiinta dowladda, oo ka soo bilaabanaya min madaxweyne illaa halka ugu hooseysa.” Ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.
Kenyatta, ayaa yiri “Waxaan ugu baaqaya Xildhibaanada sharafta leh, haddii ay doonayan in ereygaasi loogu yeero inay ixtiraamaan yaraynta mushaaraadka. Waxaan idin sheegaya aniga oo weli sugaya amarka Maxkamadda Sare, oo xitaa haddii ay xukunto, waxaan idiinku dhaaranaya inaanan marnaba saxiixi doonin sharcigaasi.