R/wasaare Kheyre oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta (Sawirro)

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa maanta kormeer shaqo waxa uu ku yimid  Xarunta Wasaraadda Warfaafinta si uu ugu kuur galo shaqada wanaagsan ee ka socota.

Mudane Xasan Cali Khayre waxaa ku soo dhaweeyey Wasaaradda Wasiirku xigeenka wasaaradda ahna sihayaha xilka wasiirka wasaaradda Warfaafinta Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis, Agaasimaha guud  iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda,  isagoo kulan ku saabsanaa is xog wareysi oo ku saabsanaa  qorshayaasha  hormarineed ay leedahay wasaraadaha la qaatay Masuuliyiintaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda  Federaalka Soomaaliiya ayaa kulanka kadib kormeeray qaybaha kale duwan ee Waaxyaha Warbaahinta, isagoona boggaadiyey howlaha shaqo ee warbaahinta Qaranka u heyso Ummadda Soomaaliyeed.

dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeray Wasaaradda Haweenka iyo Xaquul insaanka XFS oo la degan Wasaaradda Warfaafinta, waxaana uu mid mid u kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan shaqaallaha Wasaaradaasi.

Kormeerkaan shaqo ee uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddu ku yimid Wasaaradda Warfaafinta  ayaa qayb ka ah  qorshayaasha lagu fulinayo  isla xisaabtanka iyo korjoogteyta  oo tiir dhexaad lama taabtaan  u ah  barnaamijka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.