Saddex qof oo Maanta lagu toogtay Boosaaso

Wararka Maanta

Kooxo ku hubaysan Bastoolado ayaa salaadii duhur kadib ee maanta waxa ay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ku toogteen Saddex qof, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay Nawaaxiga Shirkaddii hore ee Netko oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen Saddexda qof ee la toogtay mid ka mid ah in uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, kaasi oo lagu magacaabi jiray Kaarshe Hogan-diid, waxaana uu mar soo noqday Taliye ku xigeenkii Kontaroolka magaalada Boosaaso.

Labada qof ee kale ayaa qaba dhaawac halis ah, halka Askarigu uu goobta ku dhintay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka oo goobta ka qaaday dadka shacabka ah ee dhaawacmay iyo meydka Askariga la dilay.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen in ay bartamaha magaalada Boosaaso ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose, kadibna ay si nabadgelyo ah u baxsadeen raggii dilka geystay.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan u muuqda mid faraha ka sii baxaya, maadaama dhawaanahan ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo ay geysanayeen xoogaga ururka Al-shabaab.