Bilayska Masar oo diley 9 ka mid ah dagaalyahanada lagu tuhunsan yahay weerarada argagixisada.

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masaarida ayaa shaacisay Axaddii in sagaal tuhmane oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerarro lagu qaaday gacanka Sinai Peninsula  lagu dilay howlgal bilays oo ka dhacay waqooyiga bari ee dalka,

Kooxda, oo ku salaysan gobolka Sharciya, waqooyiga Bari ee Qaahira, ayaa lagu eedeeyay weerarrada “qaar ka mid ah xarumaha amniga iyo saldhigyada militariga ee waqooyiga Sinai, oo ay ku dileen tiro badan oo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo bilayska. “Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka wasaarada.

Tan iyo markii ay ciidamada milateriga afgambiyeen xukuumadii Maxamed Morsi sanadkii 2013, ciidamada amniga ee Masar ayaa wajahaya kooxo xagjirnimo oo kala duwan.

Gobolka Waqooyiga Sinai, oo laga gooyey ciidamada ammaanka, ayaa waxaa si aad ah ugu xoogaystay kooxda argagaxisada ah ee ISIS waxayna gumaadaan askarta, bilayska iyo rayidka.

Sida laga soo xigtay wasaaradda, kooxda ayaa sidoo kale diyaarinaysay “hawlgallo taxane ah oo lagu beegsanayo kaabayaasha muhiimka ah” ee gobolka.

Wasaaradda ayaa intaa raacisayin  bilayska ay gacanta ku soo dhigeen sagaal qof oo watay  hub iyo walxaha qarxa oo doonayay inay hawlgal ka fuliyaan Qaahira.