Rw khayre ayaa booqasho ugu tagay ciidanka dhaawaca ah ee jiifa isbitaalka Xooga

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray Isbitaalka Xoogga dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada Ciidamada, kuwaasoo ku soo dhaawacmay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul tagay Ciidamada dhaawacyada, isagoo ka dhageystay xaaladooda, waxaana uu qiimeeyay xaalada daryeelka caafimaad ee ay helaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Guud ee Isbitaalka, hannaanka shaqo ee Isbitaalka, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimid Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa caafimaad u rajjeeyay dhaawacyada askarta, isagoo boggaadiyay kaalinta ay ka qaateen maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Xoogga baxnaaninta iyo la tacaalida xaalada caafimaad ee askarta ku dhaawacantay dagaalada ee ku jira Isbitaalka.