Phil Jones Oo Garoomada Bil Ka Maqnaanaayo

Ciyaaraha
MANCHESTER, ENGLAND - JULY 28:  (EXCLUSIVE COVERAGE) Phil Jones and Zlatan Ibrahimovic of Manchester United in action during a first team training session at Aon Training Complex on July 28, 2016 in Manchester, England.  (Photo by John Peters/Man Utd via Getty Images)
Manchester United difaaco Phil Jones ayaa garoomada ka maqnaanayo muddo bil ah ka dib dhaawac jilibka ah oo soo gaaray.

Ka dib markii uu ku guuldareystay inuu kasoo muuqdo kulankiisii ugu horeeyay kooxda Man United tan iyo bishii Janaayo,  waxa uu ka maqan doonaa kooxda wajaheysa kooxda Feyenoord ee Europa League ee habeenka khamiista.

Ka hor safarka ay ku tagayaan Holland, tababare Jose Mourinhoayaa u sheegay suxufiyiinta in 24-sano jirkaan  ka dhaawacmay jilibka  intii lagu jiray tababarka.

Jones ayaa la joogay United tan iyo sanadkii 2011 laakiin  shantii sanno joogay 140 kulan ayuu u saftay tartamada oo dhan.

Comments are closed.