Cristiano Ronaldo Oo U Dhaqaaqaya Chelsea

Ciyaaraha

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay fikirka ah inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Premier League ee Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyadoo la isla dhexx maraayay warar u saabsan mustaqbalkiisa 32 jirkaan tan iyo xagaagii lasoo dhaafay, Ronaldo ayaa ku fikiray inuu ku faraxsaneyn caasimada Spain isagoo arkay Madrid oo 19 dhibcood ka danbeysa Barcelona oo booska koowaad kaga jirta La Liga.

Xidiga shantShan jeer  ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa sidoo kale soo wajahday eedeymo ah canshuur sannadkii hore taasoo la fahamsan yahay inuu kordhiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago Spain.

Inkastoo uu ku laabanayo kooxdiisii ​​hore ee Manchester United ay wararka qaar tilmaamayaan, laakiin Ronaldo ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Chelsea, waxaana uu diyaar u noqon lahaa inuu ku laabto Premier League xitaa hadii ay dooneyso koox kale inuu u ciyaaro  oo United aheyn.

The Mirror ayaa sheegeysa in Madrid ay u isticmaali laheyd  Ronaldo  heshiiskii uu Eden Hazard ay ku keeni laheyd Bernabeu, inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal sidoo kale lagu soo waramayaa inuu heshiiska David de Gea uu qeyb ka noqon karo.

Ronaldo ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Los Blancos, halkaasoo uu 426 gool u dhaliyay kaliya 420 kulan, halka tababare Jose Mourinho uu dhawaan soo jeediyay in Red Devils aysan awoodi karin inay dib ula saxiixdaan weeraryahanka.