Jose Mourinho Oo Sharxay Sababtii Wayne Rooney U Ciyaareen Kulanka Feyenoord

Ciyaaraha

BURTON-UPON-TRENT, ENGLAND - AUGUST 30: Wayne Rooney of England during the England training session at St Georges Park on August 30, 2016 in Burton-upon-Trent, England. (Photo by Matthew Ashton - AMA/Getty Images)

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday sababta uu Wayne Rooney kaga soo reebay kooxdiisa ciyaaraysa kulanka Europa League ee ka dhanka ah Feyenoord khamiista.

Rooney ayaa ka maqnaa 20-nin ee safarkooda, laakiin Mourinho ayaa sheegay inuu captain uusanqabin wax dhaawac ah,laakin la nasinaayo maadaama uu ciyaaray kulan kasta xili ciyaareedkan .

“Si wanaagsan ayuu u ciyaaray kulan kasta tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan, waxa uu ciyaaray 90 daqiiqo Sidoo kale xulka England , “ayuu ku sheegay shir jaraa’id uu qabtay maanta.

“Waxa uu ciyaaray 90 daqiiqo todobaadkii la soo dhaafay.

Comments are closed.