Jurgen Klopp: ‘Simon Mignolet ma faraxsana’

Ciyaaraha

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qiray in goolhaye Simon Mignolet uusan ” faraxsaneyn” ka dib markii uu noqon waayay goolhayaha koowaad ee kooxda.

Horaantii xilli ciyaareedkan, Klopp ayaa isku bedeelayay Mignolet iyo Loris Karius, iyadoo horay loo doortay inuu ciyaaro horyaalka halka Karius uu safto Champions League iyo koobabka kale.

Tababaraha Jarmalka, ayaa doorbiday Karius inuu noqdo goolhayaha koowaad, taasoo keentay Mignolet uu qaato go’aanka macalinka.

“Waxba kama fekerin mudada dheer” ayuu Klopp u sheegay suxufiyiinta. “way nala fiicantahay, laakiin dabcan [Mignolet] ma faraxsaneyn, sidee ayuu u noqon karaa?” Laakiin wuu aqbalay xaalada waana ciyaaryahan cajiib ah wuxuu u tababartaa heer aad u sareeya sida Danny Ward .

“Way is riixayaan, wuxuu ahaa goolyahaya koowaad waqti dheer, lakiin haatan waa lambarka 2-aad laakiin ma bedelayo dabeecadiisa tababarka taasoo ah wax wanaagsan.” Ka hor intaadan gaarin 40-sano, ma jiro goolhaye ku faraxsan  inuu kursiga keydka fadhiyo . ”

Liverpool ayaa lala xiriirinayay xal waara oo ay ku doonayaan gooshooda, iyadoo u dhaqaaqeysa goolhayaha Roma Roma Allison.