Neymar, Luis Suarez Iyo Harry Kane Oo Kasoo Muuqday Liiska Xidigaha U Tartamaya Abaalmarinta Ballon d’Or 2017

Ciyaaraha

Neymar, Luis Suarez, Harry Kane iyo Robert Lewandowski ayaa lagu xaqiijiyay magacyada 30ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaalmarinta Ballon d’Or ee 2017ka, lakiin Cristiano Ronaldo ayaa noqon doona ciyaaryahanka ugu caansan.

weeraryahanka Paris Saint-Germain iyo  Brazil Neymar ayaa ka mid ahaa shanta ugu horeeya ee abaalmarinta  France Footbal liiska ay soo saartay , iyadoo labada ciyaaryahan ee Real Madrid Luka Modric iyo Marcelo, weeraryahanka Juventus Paulo Dybala iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante ay qeyb ka ahaayeen.

Liiska ay soo saatyay France Football ilaa iyo hadaa waxa uu gaarayaa 15 ciyaartoy iyadoo inta dhiman dib laga magacaabi doono

Neymar (PSG), Luka Modric (Real Madrid), Paulo Dybala (Juventus), Marcelo (Real Madrid), N’Golo Kante (Chelsea), Luis Suarez (Barcelona), Sergio Ramos (Real Madrid), Philippe Coutinho (Liverpool), Jan Oblak (Atletico Madrid), Dries Mertens (Napoli), Kevin De Bruyne (Manchester City), Harry Kane (Tottenham), Robert Lewandowski (Bayern Munich), David De Gea (Manchester United), Edin Dzeko (Roma).

W/Q Hafsa haji