Sergio Aguero Oo La Ganaaxay Seddex Kulan

Ciyaaraha

_91010965_aguero

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa la ganaaxay seddex kulan kadib markii xusul ku dhuftay daafaca West Ham United ee Winston Reid.

28-sano jirkaan reer Argentine ayaa waxaa danbi ku heleen xiriirka FA kadib baaritaan ay ku sameeyeen dhacdadii ay labada ciyaaryahan loolan kubada uu xusulka ku dhuftay ciyaartii ay Man City ay 3-1 kaga badiyeen West Ham United  axadii .

ganaaxa ayaa la micno ah in Aguero uu seegi doona kulanka Manchester United ee Old Trafford 10-ka September iyo Bournemouth  17-da September, iyo sidoo kale kulanka wareega seddexaad ee City  EFL Cup kulanka Swansea City 21 September .

Aguero ayaa dhaliyay lix gool ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan kooxda Pep Guardiola