Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Magaalada Cadaado.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Jawiga magaalada Cadaado ayaa caawa dagan, waxaana ciidamada amniga oo feejignaan dheeri ah ka muuqato lagu arkayaa goobaha muhiimka ah magaalada. Sidoo kale ganacsade Liibaan Shuluq oo ay maanta xireen Ciidamada amnigu ayaa Caawa ku hoyanaya saldhigga booliska degmada Cadaado.

Liibaan ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Cadaado, isagoo ka yimid magaalada Muqdisho, waxaana ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen inuu Cadaado u yimid qorshe lagu abaabulayo doorasho lagu doorto siyaasi Axmed Shariif oo ay wadato dowladda Federaalka. Mr. Liibaan ayaa la sheegay inuu xalay shir albaabadu u xiran yihiin la qaatay RW Xasan Cali Kheyre, isagoo loo wakiishay fulinta Qorsha dowladu waddo. Xarigga ninkan ayaa dhabarjab ku noqonaya Qorshihii Villa Somalia, oo aad isugu howshay sidii ay Xaaf xilka ugu tuuri laheyd.

Dhanka wararka qaar ayaa sheegayaa in ganacsade Liibaan beri laga musaafurin doono magaalada Cadaado, waxaana suurtagal ah in Muqdisho ama Galkacyo midood loo diro, iyadoo maamulka Galmudug tixgalinayo codsi uga yimid odayaashiisa. Sidoo kale siyaasiyiin kale ayaa la filayaa in laga musaafuriyo Cadaado.

Waxaa sidoo kale Caawa lagu wargaliyey Saxaafiyiinta ka howlgala Magaalada Cadaado in ay beri subax yimaadaan Xarunta Madaxtooyada Galmudug, lamana oga arinta lagala hadli doono. Cadaado ayaa waxaa ku loolamaya dowladda Federaalka ah iyo Madaxweyne Xaaf oo hadda u muuqda inuu ka guuleysanayo.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com