Manuel Neuer Oo Dhaawac Soo Gaaray

Ciyaaraha

Tababaraha Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa inuu soo wajahay walaac ka dib markii goolhaye Manuel Neuer uu dhaawac soo gaaray intii lagu jiray tababarkii Isniintii.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Germany, kaasoo waqti dheer ku maqnaa dhaawac jilibka ah bishii March, ayaa la sheegay inuu cagtiisa jebtay islamarkaana u baahan dib u soo kabasho.

Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka ee Bild, 31 jirkaan ayaa wajahaya dhaawac muddo dheer isagoo eersanaya dhaawacii ka soo gaaray xerada tababarka ee Sabener Strasse.

Neuer ayaa durbadiiba ka maqnaanaayo kulanka Bundesliga ee Schalke  habeenka talaadada, iyadoo baaritaano dheeri ah la filayo in ay soo bandhigaan dhaawaca inta uu la egyahay maalmaha soo socda.

W/Q Hafsa haji