Aaron Ramsey Oo Noqon Kara kabtanka Xiga Ee Arsenal

Ciyaaraha

Arsene Wenger ayaa aaminsan in Aaron Ramsey uu heysto tayo badan oo looga baahan yahay inuu noqdo kabtanka cusub ee Arsenal.

Kabtanka haatan Per Mertesacker ayaa durbadiiba ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ciyaaraha ka fadhiisto dhamaadka xilli ciyaareedkan, halka uu ku xigeenkiisa Laurent Koscielny uu 32 jirsaday horaantii bishaan.

Ramsey, oo Arsenal ku biiray isagoo da’yar sannadkii 2009, ayaa heysta khibrad badan waxa uuna noqday kabtanka Wales horaantii xirfadiisa ciyaareed.

Wenger ayaa shaaca ka qaaday horaantii Isbuucaan inuu go’aansaday inuu hubiyo in ciyaaryahanka khadka dhexe oo dhan uu qandaraas cusub u saxiixo isagooqandaraaskiisa haatan  uu dhacayo xagaaga 2019.

W/Q Hafsa haji