Karim Benzema Oo Hishiis Cusub Saxiixaayo Khamiista

Ciyaaraha

Karim Benzema ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay inuu sii joogo kooxda Real Madrid afar sanno oo kale, madaama uu noqonayo ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee la filaayo inuu sii joogo naadiga.

29-jirkaan ayaa si cad u cadeeyay in uu ku faraxsan yahay nolosha Bernabeu, inkastoo si joogta ah loola xiriirinayay inuu isaga tagayo.

Isagoo arkaya ciyaartoyda Isco, Marcelo iyo Dani Carvajal ayaa qalinka ku duugay warqadihii ugu dambeeyay, The Sun ayaa warineysa in Benzema uu raaci doono Khamiista markaasoo la filayo in rasmi ah u oo bandhigi doono kooxda qandaeaaska.

Benzema, oo haatan qandaraas uu kula jira kooxda caasimada Spain waxa uu ku egyahay sanada 2019, waxaana la fahamsan yahay inuu ku qaadanayo qiyaastii 150 kun ginni isbuucii.

Lacag 30 milyan oo ginni ah ayuu kaga soo wareegay Lyon sideed sano ka hor, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa 181 gool u dhaliyay kooxda Los Blancos tartamada oo dhan.

W/Q Hafsa haji