Eden Hazard: “Waan ku faraxsanahay Chelsea”

Ciyaaraha

Eden Hazard ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Chelsea , lakiin ma uusan cadeyn inuu baxo mustaqbalka.

27 jirkaan ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, halka Paris Saint-Germain sidoo kale la rumeysan yahay inay xiiseyneyso ciyaaryahanka reer Belgium.

Hazard ayaa waqtigii ugu dambeeyey waxaa la hadal haayay mustaqbalkiisa  isagoo ku adkeystay inuu dareemayo wanaag isaga iyo qoyskiisa.

“Sannad kasta waxay ka hadlaan Real ama PSG, markaan doono inaan bedelo naadiyada, waan sameyn” ayuu Hazard u sheegay Telefoot. “Laakiin waqtigan waan ku fiicanahay halka aan joogo.

“Weli waxaan heystaa labo sanno qandaraaskeyga, waan ku riyaaqaa halkan, taageerayaasha way i jecel yihiin, qoyskaygu wuxuu ku raaxeeyaa nolosha halkan, waan arki doonaa.”

Hazard ayaa 284 kulan u saftay Chelsea, isagoo dhaliyay 87 gool islamarkaana 71 gool caawiyey.