Julen Lopetegui Oo U Sheegay Diego Costa Inuu Xaliyo Arrimaha Kooxdiisa, Hadii Kalena Uu Waayi Doono Booskiisa Koobka Aduunka

Ciyaaraha

Tababaraha xulka Spain Julen Lopetegui ayaa uga digay Diego Costa in uu seegi doono booskiisa xulkooda Koobka Aduunka haddii uusan si dhaqso ah u xalinin mustaqbalkiisa.

28 jirkaan ayaa haatan ku jira shaqo joojin Chelsea ah, iyadoo tababare Antonio Conte uu ku guuldareystay inuu seego xagaaga.

Costa ayaa diiday inuu ku laabto Stamford Bridge isagoo isku dayaya inuu ku biiro Atletico Madrid, waxaana laga saaray xulka Spain ee isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Italy iyo Liechtenstein intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah ee September.

“Xagaaga Costa waxa uu ahaa mid aan caadi aheyn, qariib ah, murugo leh – ma ahan kaliya isaga, laakiin waa kooxdiis” ayuu Lopetegui u sheegay saxaafada Spain. “Weli waa ciyaaryahan Chelsea ah, waa arin adag.

“Waxaan rajeyneynaa inuu xallin doono xaaladdiisa sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan uu u tartami karo, u tababarto una ciyaari karo, taas oo ah waxa uu jecel yahay inuu sameeyo inta badan iyo waxa xiiseynayaan xulka qaranka.

“Waa adag tahay in nin aan tababaran oo uusan ciyaareynin inuu naga mid ahaado, laakiin taasi waa wax walba.

“Diyaar uma ahan inuu  ciyaaro kulamada Talyaaniga iyo Liechtenstein, taasi waa xaqiiqda iyo waxa aan ku qasbanahay in aan wax ka qabano,  waa sababta uu nala joogin, wuxuu u baahan yahay inuu tababaro oo uu ciyaaro si loo tixgeliyo . ”

Costa ayaa markii ugu danbeysay ciyaaray tartankii 27kii May – 116 maalmood kahor – iyadoo Chelsea ay guuldarro ka soo gaartay Arsenal finalkii FA Cup.

W/Q Hafsa haji