Manchester City & Manchester United Oo Ku Dagaalamaya Eliot Matazo

Ciyaaraha

Wiilka Anderlecht Eliot Matazo ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay Manchester City iyo Manchester United.

Matazo ayaa loo arkaa mid ka mid ah mustaqbalka kubada cagta ee u soo baxaaya Belgium, laakiin 16 jirkaan ayaan weli qandaraas cusub u saxiixin kooxdiisa haatan.

Taasi waxay keentay inay xiiso weyn u qabaan saxiixa da ‘yarka, sida laga soo xigtay Voetbal Belgie, City iyo United ayaa hogaaminaya tartanka saxiixa ciyaaryahanka.

Kooxo badan oo Yurub ah ayaa lagu soo waramayaa inay doonayaan saxiixa Matazo – oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Barcelona – laakiin waxa ay u muuqataa in labada kooxood ee Premier League inay haatan hogaaminayaan.

Matazo ayaan wali kulankiisii ugu horeeyay u safan kooxda Anderlecht, laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa 8 kulan u saftay kooxda reer Belgium ee da’dooda ka hooseyso 16 jirda.