Zinedine Zidane: “Waan u dagaalami doonaa shaqada Real Madrid”

Ciyaaraha

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday in uu u dagaalami doono booskiisa kooxda.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkaan ku jirta waqti xun, ka dib markii ay ka hareyb Copa del Rey  bishii Janaayo, waxaana ay lumiyeen inay hogaanka u qabtaan  La Liga kaasoo ay horkacayso kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, Zidane, oo aan kooxdiisa laga badinin shan kulan oo horyaalka ah, hase yeeshee, ayaa sheegay in uu shaqadiisa Madrid “maalin kasta” uu sii wadan doono mustaqbalkiisa caasimada Spain ilaa qandaraaskiisa uu ka dhacaayo.

“Mararka qaar marka laga jawaabaayo [su’aalaha ku saabsan mustaqbalka], waxaa jira shaki, laakiin ilaa inta aan ka daalaayo shaqadan, waan sii wadi doonaa,” ayuu tababaraha Faransiiska u sheegay wariyaasha. “Waan ku faraxsanahay halkaan, waan sii wadi doonaa dagaalka.

“Waxaan doonayaa inaan u dagaalamo inaan halkaan sii joogo, hadii aan sii wado, ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka waan kuu sheegi doonaa.

Madrid ayaa 3-1 kaga badisay Paris Saint-Germain tartanka Champions League,  lugta labaad ee labada kooxood waxa ay balansanyihiin 6da March