Kaka Oo Ka Fariistay Ciyaaraha

Ciyaaraha

Ciyaaryahankii hore ee AC Milan iyo Real Madrid Kaka, oo ku guuleystay Koobka Adduunka ee Brazil 2002, ayaa ka fariistay ciyaaraha.

35 jirkaan, oo xirfadiisa ciyaareed kusoo bilowday Brazil isla markaana u so ciyaaray Sao Paulo, ayaa dhawaan la joogay kooxda Orlando City ee MLS.

Kaka ayaa u ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii Orlando dhamaadkii bishii October, waxaana bishii November lagu soo waramayay inuu ku biiray kooxda AC Milan.

Waxa uu ka mid yahay sideed ciyaaryahan oo ku guuleystay seddex koob oo Koobka Adduunka, Champions League iyo Champions League iyo Ballon d’Or.

Kaka ayaa ku qoray boggiisa Twitter in uu ka fariistay ciyaaraha, Kaka wuxuu u ciyaaray 92 kulan Brazil, wuxuu u dhaliyay 29 gool.